Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii balladhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib booqasho rasmi ah oo taariikhi ah oo ay ku tageen dalka Israaāiil. Booqashadaas ayaa dhashay guul weyn oo dhanka dublamaasiyadda ah ka dib markii ay Israaāiil si rasmi ah u aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, isla markaana laga furay safaaraddii ugu horreysay ee Yeruusaalem.
Shacabka caasimadda Hargeysa iyo masāuuliyiin heersare ah ayaa si weyn u soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa, iyadoo fagaarayaasha iyo waddooyinka waaweyn lagu soo bandhigay dabbaaldeg iyo dareen farxadeed oo ku aaddan guushan taariikhiga ah ee u soo hoyatay qaranka.